Shacabka Kenyaanka ah oo ku kala aragti duwan in isbedel lagu sameeyo dastuurka

Dadweynaha ku nool dalka ayaa afkaar kala duwan ka muujiyay ololaha uu madaxa xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot ugu jiro in lagu bedelo dastuurka wadanka u degsan.
Dr. Aukot ayaa doonaya in la dhimo tirada xildhibaanada baarlamaanka, aqalka sare iyo sido kale golayaasha maamul goboleedyada dalka.
Waxaa uu ku doodayaa in tirada hoggaamiyaasha siyaasadeed ee la soo doortay iyo kuwa la magacaabay ay badantahay taasina uu qarash badan uga baxo dowlada Kenya.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa isa soo tarayay hadal haynta siyaasiyiinta ee la xiriirta isbedelka dastuurka.
Siyaasiyiinta qaar ayaa taageersan in la bedelo dastuurka halka qaar ka mid ah madaxda Jubilee sida madaxweyne ku xigeenka dalka Mr. Willaim Ruto ay ka soo horjeesteen.
Sido kale Mr. Ruto ayaa dhawaan sheegay in hoggaamiyaha mucaaradka Nasa Raila Odinga uu faragelin ku hayo maamulka talada haya ee jubilee.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in kulankii iyo heshiiskii 9-kii bishii saddexaad ee sannadkan dhexmaray Uhuru iyo Raila uusan ka dhignayn in dowlada lagu farageliyo howlaha hoggaanka.
Hasa ahaate xildhibaanka laga soo doortay degaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad iyo barasaabka ismaamulka Mombasa Cali Xassan Joho ayaa dhaliilay hadalka Mr. Ruto waxayna ugu baaqeen inusan dhibaato horseedin.
Hadaba shacabka Kenyaanka ah sideey u arkaan ololaha loogu jiro in lagu bedelo dastuurka ee ay siyaasiyiintu ku kala qeybsameen iyo hadalaadii ugu dambeeyay ee ay isdhaafsadeen laba dhinac ee siyaasadda dalka

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *