Shacabka Kenyaanka oo aaminsan inaan wax laga qabanayn laaluush qaadashada

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa warbixin uu shalay soo saaray ku sheegay in shacabka Kenyaanka ah aysan maamulada qaabilsan ku wargelinin falalka musuqmaasuqa maadaama in badan oo ka mid ah aysan aaminsanayn in tallaabo ka dhan ah la qaadi karo.
In ka badan boqolkiba 27 ee kenyaanka la wareystay ayaa sheegay in laaluush bixin ay la kulmeen ama falalka kale ee musuqmaasuqa aysan cidna u sheegin.
Boqolkiba 26.1 oo ka mid ah dadka ka qeyb qaatay darasaadka warbixinta laga soo saaray ayaa sheegay in la cabsi geliyay ama loo cagajugleeyay.
Sido kale boqolkiba 15.6 ee Kenyaan ayaa sheegay inaysan garaneyn xarun ay falalkaasi ku wargeliyaan.
Guddiga EACC ayaa hoosta ka xariiqay in boqolkiba 55.8 qof ee dadka u waramay ay qabaan inaan talaabo la qaadin kadib markii ay warbixin u gudbiyeen maamulada qaabilsan.
Boqolkiba 72 ee shacabka ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan musuqmaasuqa dhacay ama saameeyay maadaama aysan haynin cadeeymo ku filan oo loo cuskan karo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *