Tirada dadkii ku dhintay dhulgariirkii Indonesia oo kor u dhaaftay 1,200 oo qof

Maamulka qaranka Indonesia u qaabilsan maareynta musiibooyinka ayaa sheegay in ilaa iyo hadda 1,234 ay ku dhinteen dhulgariirkii iyo sunaamidii ku dhuftay jasiiradda Sulawesi ee dalkaasi.
Tiradan ayaa shalay ahayd 844 qof iyadoo saraakiisha ay weli isku dayayaan inay gudaha u galaan xaafadaha kala duwan maadaama ay wajahayaan caqabad dhanka kaaba xumida ah.
Arrintan ayaa imaanaysa afar maalmood kadib markii magaalada Palu iyo qeybaha kale ee jasiiradda Sulawesi dhibaatooyinkaasi laga soo tabiyay.
Waxaa guriyahooda ka barakacay ku dhawaad 200,000 oo qof kuwaaso u baahan gargaar degdeg ah.
Agaasimaha bani’aadanimo ee hay’adda Oxfam Nigel Timmins ayaa sheegay inay toddobaadyo qaadan karto in si rasmi ah loo ogaado baaxadda ay leedahay musiibada dhacday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *