Ururka qareenada dalka oo dacwad ka gudbiyay dowlada

Ururka ay ku bahoobeen garyaqaanada dalka ee LSK ayaa maxkamada u gudbiyay dacwad ka dhan ah canshuurta dowlada ay ku soo rogtay isticmaalka taleefoonada gaar ahaan adeegga intarneetka.
LSK ayaa ku doodaysa in tallaabadaasi ay tahay mid ku xadgudbaysa xuquuqda aas-aasiga ah ee shacabka .
Waxaa dacwadda LSK qeyb ka ah in dowladu ay ku xadgudubtay xuquuqda ku aaddan muujinta dareenka qofka iyo helidda warbixinada kala duwan.
Baarlamaanka dalka ayaa ansaxiyay kadibna madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa qalinka ku duugay sharciga maaliyadda sannadka 2018-ka.
Waxyaabaha sharcigan uu qeexayo ee ururka qareenada dalka uu walaaca ka muujinayo waxaa ka mid ah in canshuur dheeraad ah oo dhan boqolkiba 15 laga qaado dadka intarneetka adeegsada .
LSK ayaa maxkamada ka codsatay inay si ku meel gaar ah u hakiso canshuurta cusub dowladana ay ka hor istaagto dhaqangelinteeda.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka , baarlamaanka iyo guddoomiyaha guud ee maamulka canshuuraha ee KRA ayaa looga fadhiyaa inay ka soo jawabaan kiiska uu maxkamada geeyay ururka qareenada ee LSK.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *