Walaalka Fetxullah Gulen oo la xiray

Dowlada Turkiga ayaa muddo 10 sano ah xirtay Kutbettin Gulen oo ay wada dhasheen Fetxullah Gulen oo xukuumada Ankara ay ku eedeysay inuu ka dambeeyay iskudaygii afgembi ee ka dhacay wadankaasi sannadkii 2016-kii.
Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa ku warameysay in xukunaasi uu ka soo baxay maxkamada ku taalo magaalada Aegean ee gobolka Izmir .
Ninkan ayaa markii ugu horeeysay la xiray bishii Tobnaad ee sannadkii 2016-kii .
Waxaa uu xabsiga ku jirayaa 10 sano iyo 6 bilood maadaama lagu eedeyay inuu hoggaamiyo koox hubeysan.
Mr.Kutbettin Gulen, oo lagu hayo xabsi ku yaalo gobolka Denizli, ayaanan maxkamada ku sugnayn xiligii xariga 10-ka sano ah lagu xukumayay balse waxaa matalayay qareen u doodaya.
Fetxullah Gulen, oo ay walaalo yihiin ayaa iska fogeeyay eedeymaha ay u jeedisay dowlada Turkiga wuxuuna sheegay inuusan ku lug lahayn inqilaabkii dhicisoobay ee lagu dilay 250 qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *