38 milyan oo doolar been abuur ah oo lagu qabtay ismaamulka Kisii

Ciidamada booliska ee ismaamulka Kisii ayaa xabsiga u taxaabay 3 eedeysanayaal ah kadib markii lagu helay 38 milyan oo doolar been abuur ah.
Howlgalkaasi ayaaa laga fuliyay xaafadda Gionseri ee degaanka Nyamache.
Taliyaha saldhigga booliska ee degaanka Nyamache ,Japheth Mwirichia ayaa sido kale sheegay in gacanta lagu dhigay 3 macaamiil ah oo halkaasi u tagay si ay ganacsi ula sameyaan eedeynayaasha.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale shalay maxkamada la soo taagay saddex qof oo laga soo qabtay degaanka Westlands maadaama lagu eedeyay inay siteen hal bilyan oo shilin oo lacag faalis ama been abuur ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *