Dalka Ciraaq oo madaxweyne cusub loo doortay

Xildhibaanada baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa siyaasiga rugcaddaaga ah ee Barham Salih u doortay madaxweynaha cusub ee wadankaasi sida ay baahisay warbaahinta dowlada.
Salih ayaa horay u soo noqday ra’iisul wasaaraha dowlad goboleedka kurdiyiinta halka uu dowlada federaalka ee Ciraaq horay uga ahaa ra’iisul wasaare ku xigeen.
Mas’uulkan ayaa la doortay kadib muran soo kala dhexgalay labada xisbi ee ugu waweyn ee kurdiyiinta taasi oo dib u dhac ku keentay codeynta.
Salih ayaa codeyntaasi kaga adkaaday musharaxii la tartamayay Fuad Xussein maadaama uu helay codad dhan 219 halka siyaasiga kale ay u soo dhaceen 22 cod oo keliya.
Madaxweynahan cusub ayaa haysta muddo 15 maalmood ah oo uu ku soo dhisayo xukuumad kala shaqeysa hoggaaminta dalka Ciraaq.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *