Diyaarado dagaal oo xalay duqaymo ka gaystay gobolka shabeelada Dhexe.

Waxay faah faahin dheeraad ah ka soo baxaysa duqeyn xalay saqdii dhexe laga fuliyay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee dalka Soomaaliya halkaasoo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa sheegay in duqeyntaan lala beegsaday goob aan sidaas uga fogayn deegaanka Basra oo sida la sheegay ay isku aruursanayeen ciidamo AL- Shabaab Daacad u ah.
Wararku waxay intaas ku darayaan in duqeyntaas ay fuliyeen diyaarado dagaal,xoogaga Shabaabka ee la duqeeyayna, ay yihiin kuwa shalay deegaanka ilbaq ka afduubtay gaari qaad siday iyo darawalkii kaxaynayay.
gaariga qaadka siday ee shalay la afduubta ayay wararku sheegayaan la geeyay meel ku dhaw deegaanka Basra oo xalay duqeyntaasi ay ka dhacday.
Wali Lama xaqiijin khasaaraha AL-Shabaabka ka soo gaaray duqeyntaasi balse dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayaan madaafiicda halkaasi ku dhacaysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *