Dowlada oo WFP kala wareegtay barnaamijka cunada lagu siiyo ardayda

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa si rasmi ah ula wareegtay barnaamijka maalinkii cunnada lagu siiyo ardayda dhigta dugsiyada kala duwan ee dalka.
Waxaa barnaamijkan horay u fulin jirtay hay’adda cunnada adduunka ee WFP.
Xoghayaha wasaaradda tacliinta ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa sheegay in dowladu ay lacag dhan 2.4 bilyan u qoondeeysay cunno siinta ardayda si uusan waqti dheeraad ah uga lumen inay xaafadahooda ka soo qadheeyaan.
Sannadkii 2009-kii ayay dowladu guda gashay dadaal ay ugu jirtay inay WFP kala wareegto mas’uuliyadaasi.
Dr. Kipsang ayaa xili uu ku sugnaa ismaamulka Isiolo carrabka ku dhuftay in barnaamijkan ay ka faaiideysanayaan in ka badan 2 milyan oo qof.
Guddoomiyaha ismaamulka Isiolo , Maxamad Kuti ayaa sheegay in nidaamkan ay muddo dheer soo waday hay’adda WFP uu carruur badan u suurtageliyay inayn dugsiyada ku biiraan waxbarashadoodana dhameystiraan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *