Dowlada Soomaaliya oo saxiixday qaraarka qaramada Midowe ee xaquuqda dadka Nafada ah.

Wasiirrada wasaarada arimaha Haweenka iyo xaquuqul insaanka dowlada fedraalka Soomaaliya Deeqo Yaasiin ayaa qalinka ku duugtay qaraarka qaramada Midowe ee xaquuqda dadka Nafada ah.
Wasiir Deeqo Yaasiin oo ku sugan xarunta Jimciyada Qaruumaha ka dhexay ee magaalada New-York dalka Maraynkana ayaa saxiixday Heshiiskaan ay Soomaaliya qaybta ka noqonayso.
Heshiiskaan ayaa ka mid ah qaraarada Qaramada Midowbay ee ilaalinaya xaquuqda ay lee yihiin dadka uusan lixaadkoodu dhamaystirayn wuxuuna dalka Soomaaliya noqday wadankii ugu danbeeyay oo saxiixa taasoo dowlada Soomaaliya ka dhigaysa inay diiwaanka wadama saxiixay qaraarkaan ka gashay kaalinta 178.
Golaha wasiirada dowlada fedraalka Soomaaliya ayaa horay u meelmariyay qorshah lagu doonayo in dalka Soomaaliya oo ka mid noqdo wadamada caalamka ee horay u saxiixay qaraarkaan dhowraya xaquuqda dadka Naafada ah.
Wadanka Soomaaliya waxaa ku nool boqolaal muwaadiniin ah oo uusan lixaadkoodu dhamaystirayn kuwaasoo inta ugu badan ay waxyeelo ka soo gaartay dagaaladii 1977-kii Soomaaliya iyo Ethopia dhexmaray iyo kuwii sokeeye ee dadka Soomaaliyeed dhexdooda ka jiray mudadii Rubac qarniga ahayd ee aan soo dhaafnay,dadkaasi ayaana dhamaantood waxay yihiin kuwoa an haysan Daryeel qaran waxayna ku nool yihiin xaalado aad u adag.
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirto hirgalinta sharciayda muhiimka ah ee nolosha bulshada saamaynaya waxayna horay u saxiixda xeerka qaramada Midowbay ee Mamnuucya askaraynta Caruurta iyo kuwa kale oo hadii Soomaaliya ay ku dhaqankooda ka dhabayso waxbadan ku soo kordhinaya helida xaquuqaha aas-aasiga ah ee daka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *