Kalonzo Musyoka oo sheegay in Raila uu ogaa in kaligii la dhaarin doono

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper sido kalena ka mid ah madaxda sar sare ee urur weynaha mucaaradka Nasa , Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in Raila Odinga uu 30-kii bishii jannaayo ogaa in keligii la dhaarin doono.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in talaabadii uu xiligaasi qaaday hoggaamiyaha garabka mucaaradka ee dalka aysan munaasab ahayn.
Kalonzo Musyoka ayaa arrinkan shaaca ka qaaday xili xalay uu u waramayay telefishinka sida gaarka ah loo leeyahay ee Citizen, Sido kale Mr. Musyoka ayaa carrabka ku dhuftay inuu u riyaaqay kulankii 9-kii bishii saddexaad dhexmaray madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga.
Hasa ahaate waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inuu rajeynayo in iyadoo laga qiyaas qaadanayo tallaabadaasi, siyaasiyiinta ismaamulada iyo degaanada kala duwan ay dhammaantood heshiisn doonaan.
Mr. Kalonzo Musyoka ayaa sido kale sheegay in madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ay la yaab ku noqotay xabsi geyntii ku xigeenka madaxa cadaaladda ee dalka Mrs. Philomena Mwilu.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *