Madaxweynaha Somalia oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dalka Ciraaq

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Dalka Ciraaq Barham Saalah.
Mudane, Farmaajo ayaa u rajeeyay inuu Madaxweyne Barham xilkiisa u fududeeyo, isla markaana shacab weynaha Dalkaasi uu u noqdo mid ay mahadiyaan.
Madaxweynaha Cusub ee Dalka Ciraaq Barham Saalah, ayaa ah siyaasi caan ka ah Dalkaas, isla markaana ka tirsan Xisbiga Kurdida ee [Patriotic Union of Kurdistan], waxanay xildhibaannada Ciraaq oo ka kooban 329 xubnood, 220 ka mid ah codkooda siiyeen hoggaamiyaha cusub

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *