Madaxweyne Xassan Sheikh oo markii ugu horaysay xaadiray kulanka baarlamaanka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xaadiray kulanka Golaha Shacabka ee ay ku yeelanayaan xaruntooda Magaalada Muqdisho ,kaasoo looga hadlaayo xeerhoosaadka ay ku shaqeeyaan xildhibaanada Soomaaliya.
Kulanka maanta ee golaha shacabka waxaa soo xaadiray 173 mudane wuxuuna qayb ka yahay kulamadii maalmahan u socday ee ay uga doodayeen xeer hoosaadka baarlamaanka.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ah Xildhibaan sharafeed ka tirsan Golaha Shacabka,sidoo kale xubinimadiisu waxay sii jiri doontaa inta uu nool yahay.
Waa Markii ugu horreysay oo uu Xasan Sheekh Maxamuud xaadiro kulamada Baarlamaanka tan iyo markii uu noqday Xildhibaan Sharafeed ka tirsan golaha shacbiga Soomaaliya.
Dhawaan ayuu magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay, waxaana uu hada wadaa Abaabul dhanka Siyaasadeed ah oo uu ku doonaayo in Markale uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaaanada Soomaaliya ayaa dhawaan waxay xukuumada ku eedeeyeen inaysan waxka qaban amaba aysan dadka sahcabka ah ku garabsiin dagaalada ay kula jiraan xoogaga Shabaabka ee ka socda deegaano katirsan gobolada dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *