Maxkamada sare oo sheegtay in la hakiyo dacwadii ka dhanka ahayed ilillian Omollo.

Makamada sare ee dalka ayaa sheegtay in la hakiyo dacwadii musuqmaasuq ee ka dhanka aheyd hoghayihii hore ee waxda adeega dhalinyarada ee NYS Lillian Omollo.
Xaakinka maxkamada John Onyiego ayaa sheegay in awoodo lagu cadeynayo wixii lagu soo oogi lahay uu ku oogi karo agaasimaha waaxda dacwad oogista.
Lillian Omollo ayaa maxkamada aaday iyadoo ku andacooneysa in agaasimaha dacwad oogista dalka Noordiin xaaji uu ku soo oogay 10 kiisas oo kala duwan.
Iyadoo u mareyso qareenkeeda Stephen Ligunya ayayku dooday qatar dhab ah oo ay keeneyso dib u dhaca.
Waxay ay sheegtay in dacwadahan ay ku xad gudbayaan xaqeeda dastuuriga ah sidoo kalena ay diidayaan wkhtigii ay ku diyaarin la heyd is difacideeda.
Omollo ayaa iska fogeysay dhamaan eedeymaha loo haysto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *