Qaramada midoobay oo cawimaad u ballanqaaday dhibanayaasha Indonesia

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay inay 15 milyan oo doolar u qoondeysay in lagu tageero dadka dhibanayaasha ah ee ay saameyeen dhulgariirka iyo sunaamida ku dhuftay wadanka Indonesia gaar ahaan jasiiradda Sulawesi.
Dhimashada musiibooyinkaasi ka dhalatay ayaa ilaa iyo hadda gaartay 1,347 oo qof sida laga soo xigtay maamulka qaabilsan maareynta musiibooyinka ee (BNPB).
Qaramada midoobay ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in qiyaastii 66,000 oo guri iyo kaabayaasha muhiimka ah sida wadooyinka iyo buundooyin ay burbureen.
Musiibadan ayaa ah midii labaad ee ugu weynayd ee soo marto Indonesia tan iyo sannadii 2004-tii xiligaasi oo sunaami ay dhishay 170,000 oo qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *