Shil gaaro oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Mudug.

Wararka ka imaanya gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya ayaas sheegaya in saaka uu halkaas ka dhacay shil gaare oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah.
Gaari Xamuul ah oo sidday Qare kana ambabaxay Koonfurta Soomaaliya ayaa ku guddoomay inta u dhaxeysa deegaanka lagu magacaabo sadex higlo iyo degmada bandiiradleey ee gobolka Mudug.
2 qof ayaa dhacdadaasi ku dhaawacmay sidda ay warbaahinta u sheegeen dadka degaanka.
Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ayaa la gaarsiiyay labada ruux ee ay dhaawacyadu soo gaartay si Xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.
Talaadadii shalay ayay ahayd markii Maamulka gobolka Mudug uu xaqiijiyay in 6 qof ay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay Wadada u dhaxeysa degaanka Gawaan iyo degmada Hobyo oo iyaguna ka tirsan isla gobolkaasi Mudug.
Wadooyinka xiriiriya gobolada dalka Soomaaliya oo aysan jirin cid dayactir joogta ah ku samaysa ayaa inta badan waxaa ka dhaca shilal sabab qasaare Naf iyo maal isugu jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *