Tirada dhimashada musiibadii ka dhacday wadanka Indonesia oo gaartay 1,400 oo qof

Tirada dhimashada ee musiibadii ka dhacday wadanka Indonesia ayaa gaartay 1,400 oo qof ka dib markii dhulgariir iyo duufaan uu ku dhuftay wadankaasi.
Sutopo Purwo Nugroho, oo afhayeen u ah wakaaladda wararka ee Indonesia, ayaa sheegay in maanta oo arbaco ah ay dhimashadu gaartay 1,407.
Waxaa gaabad uu ku yimid cunada,biyaha,iyo daawooyiinkii la gaarsiin lahaa goobihii ay musiibooyiinkasi ka dhaceen.
Tirada dhimashada ayaa laga cabsi qabaa in ay sare u sii kacdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *