Warbixin walaac looga muujiyay ganacsiga sharci darrada ah ee foolasha maroodiga ee Myanmar

Warbixin cusub oo uu soo saaray urur u ololeeya badbaadada duurjoogta ayaa lagu sheegay in Myanmar uu si weyn uga jiro ka ganacsiga foolasha maroodiga ee sharci darrada ah.
Kooxda Save the Elephants, ayaa diiwangelisay inuu sara u kacay ganacsigaasi ka dhexeya Myanmar iyo Shiinaha.
Waxaa lagu qiyaasay in saddexdii sano ee la soo dhaafay uu sara u kacay boqolkiba 63.
Warbixinta ayaa faahfaahin ka bixinaysa sida dadka u dhashay Shiinaha ee taga Myanmar ay wadankooda u soo geliyaan foolasha oo lacag badan lagu kala iibsado iyagoo xita aanan ka cabsi qabin in la qabto.
Waxaa warbixinta soo saaray Lucy Vigne iyo Esmond Martin iyadoo lagu xusay inay jiraan 5 magaalo oo ay ku yaalaan 51 dukaan oo si cad u soo bandhiga 14, 846 oo ah foolasha maroodiga si loo iibsado.
Madaxa fulinta ee hay’addan ayaa wadamada kala duwan ugu baaqay inay iskaashadaan gaar ahaan macluumaadka sirdoonka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *