Wasaaradda arrimaha dibadda oo sheegtay in 273 kenyaan ah ay ku jiraan xabsiyada dalalka kale ee caalamka

Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Monica Juma ayaa baarlamaanka u sheegtay in shacabka kenyaanka ah ee ku jira xabsiyada wadamada kale ee dunida ay tiradoodu tahay ugu yaraan 273 qof.
Arrintan ayay shaaca kaga qaaday dokumeenti ay u gudbisay guddiga gaashandhigga iyo xiriirka caalamiga ee golaha qaran ee sharci dejinta.
Dr. Juma ayaa hoosta ka xariiqday in tirada ugu badan maxaabiistaasi oo ah 79 qof ay ku xiranyihiin wadanka dariska ah ee Tanzania.
Mr Don Bosco Gichana ayaa ka mid ahaa kenyaanka lagu xiray Tanzania hasa ahaate guddoomiyaha baarlamaanka u qaabilsan xiriirka caalamiga ahna mudanaha laga soo doortay degaanka koonfurta Kajiado Katoo ole Metito ayaa sheegay in la soo siidaayay 6 sano kadib.
Waxaa uu Mr. Metito intaasi ku daray Mr. Bosco uu xuriyadiisa dib u helay kadib markii uu bixiyay ganaax lacageed oo dhan 13.2 milyan oo shilin.
Dr. Juma ayaa sheegtay in dowlada aysan u suurtagaleyinin inay dhammaan maxaabiistaasi ka caawiso dhanka sharciga .
Qurbajoogta wadanka u dhashay ayay ugu baaqday inay iska diiwangeliyaan safaaradaha Kenya ay ku leedahay dalalka kale si ay u helaan adeegyada muhiimka ah.
Dr .Juma ayaa xubnaha guddigaasi u ballanqaday inay muddo 14 maalmood ah ku soo gudbin doonto warbixin dhameystiran oo ku aaddan kenyaanka ku dhibaateysan xabsiyada dunida iyadoo dhanka kale qurbajoogta ku boorisay inay u hoggaansamaan shuruucda looga dhaqmo wadanka ay ku noolyihiin.
Wasiiradda ayaa sido kale sheegtay in 57 maxaabisi Kenyaan ah ay ku jiraan xabsiyada Shiinaha, Ugandha waxaa u xiran 47, Malaysia 25, suudaanta koonfureed 10, Qatar 8,Thailand 7 ,Seychelles 6, Itoobiya iyo Indonesia min 5 , Filibiin, Kuwait, Botswana iyo Pakistan min 3 Togo, Cumman iyo koonfur Afrika min 2 halka Rwanda, Japan, Austria, Brazil, Nepal iyo kuuriyada koonfureed ay xabsiyadooda ku jiraan min hal maxbuus oo Kenyaan ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *