Xaaskii ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysiya oo la xiray

Waxaa xabsiga loo taxaabay xaaska ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysiya Rosmah Mansor iyadoona lagu soo oogay dacwad ka dhan ah musuqmaasuqa .
Haweenaydani ayaa waxaa xabsiga u taxaabay gudiga ladagaalanka musuqmaasuqa ee wanka Malaysia.
Rosmah Mansor ayaa loo heysta in ay ku lug lahayd sanduuq lacago ah oo laga lunsaday dowlada wadanka Malaysia.
Dhawaan ayay ahayd markii seygeeda oo horay u ahaa ra’iisul wasaariha wadankaasi lagu soo oogay dacwad ka dhan ah musqmaasuqa isagoona xabsiga laga siidaayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *