Xoghayaha wasaaradda tacliinta oo mamnuucay fasaxyada la qaato ka hor imtixaanada qaran

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa si ku meel gaar ah u hakisay fasaxyada sannadlaha ah ee ay qaataan saraakiisha ka shaqeeya ilaa iyo inta laga gabagabeynayo imtixaanada qaran.
Xoghayaha wasaaradda waxbarashada Dr. Belio Kipsang ayaa amarkan ku qeexay wareegto uu soo saaray oo nuqulo ka mid ah la gaarsiiyay iskuduwayaasha tacliinta ee gobolada dalka.
Waxaa qoraalkaasi qeyb ka ah in tallaabadan looga gol leeyahay in dhammaan howlwadeenada wasaaradda ay shaqeyaan xiliga lagu guda jiro imtixaanada fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da iyo dugsiyda sare ee KCSE-da.
Dr. Kipsang ayaa iskuduwayaasha waxbarashada ee gobolada ku amray inaysan ansaxinin codsi la xiriira fasax oo uga yimid saraakiisha wasaaradda.
Sido kale xoghayaha ayaa hoosta ka xariiqay in sannadkan imtixaanada qaran si weyn loo maareyn doono.
Dhanka kale ururka ay ku mideeysanyihiin macalimiinta dalka ee KNUT ayaa guddoomiyaha golaha imtixaanada qaran ee KNEC Prof-George Magoha ka dalbaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo hadal uu jeediyay oo ah inay jiraan macalimiin isku diyaarinaya inay ardayda ka caawiyaan sidii ay u sameyn lahayeen qish ama xatooyo
Xoghayaha ururka qaran ee macalimiinta KNUT ee ismaamulka Makueni Benson Ndambuki ayaa golaha KNEC ugu baaqay inuusan macalimiinta u hanjabin sido kalena wax u dhimin sumcadooda iyadoo aysan jirin cadeeyo la cuskanayo

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *