Xubnaha xisbiga ka taliya Itoobiya oo maanta kulan yeelanaya

Waxaa maanta la filaya inay kulmaan siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga ka taliya dalka Itoobiya ee magaciisa loo soo gaabiyo EPRDF.
Shirweynaha xisbigan ayaa ka furmaya magaalada Awasa.
Waxaa kulankan lagu wadaa inay ka soo qeyb galaan boqolaal xubnood oo xisbiga ka tirsan oo labadii sano iyo bar hal mar yeesha shirweyne.
Shirkan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay tan iyo intii uu talada la wareegay ra’iisul wasaare Abey Axmed waxaana la filayaa in diiradda lagu saaro waxyaabo dan u ah dalkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *