687 qof oo bishii hore lagu xiray Suuriya

Koox u ololeysa xuquuqul aadanaha oo si dhow ula socoto xaaladaha ka jira suuriya ayaa sheegtay in bishii sagalaad ee sannadkan gudaha wadankaasi laga soo tabiyay 687 kiis oo ah dad xabsiyada loo taxaabay.
Hay’addan oo magaceedu loos oo gaabiyo (SNHR) ayaa hoosta ka xariiqday in dadkaasi loo qabqabtay si aanan u fiirsasho ama kala sooc lahayn.
Ciidamada dowlada Suuriya ayaa lagu eedeyay inay fuliyeen howlgaladaasi waxaana dadka la xiray ka mid ah 22 carruur iyo 34 haween ah.
Warbixinta waxaa sido kale lagu sheegay in tan iyo bishii jannaayo ee sannadkan guud ahaan Suuriya lagu xiray 6,109 oo qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *