Dowlada oo laga dalbaday inay ugu horeyn magdhow siiso dadka laga raro dhulalka laga fuliyo mashaariicda

Golaha ay ku bahoobeen barasaabyada maamul goboleedyada dalka ayaa dowlada ka dalbaday inay marka hore lacago magdhow ah siiso cid waliba ama qoysaska deggan dhulalka la doonayo in laga fuliyo mashaariicda horumarineed.
Golaha COG ayaa sheegay in dowlada dhexe looga fadhiyo inay lacagahaasi bixiso ka hor inta aanan la bilaabin mashaariicda sida kaabayaasha waddooyinka.
Guddoomiyaha maamul goboleedka Kiambu ,Ferdinand Waititu sido kalena ah guddoomiyaha guddiga dhulalka iyo qorsheynta ee COG ayaa baaqan soo saaray.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay inay jiraan qoysas ay dhibaatooyin ka soo gaareen barakicintaasi.
Sido kale Mr. Waititu ayaa ku nuuxnuuxsaday in fulinta mashaariicda aanan la doonayn inay dhibaatooyin dheeraad ah ka dhashaan.
Arrinkan ayuu u bandhigay guddiga aqalka sare ee dalka ama senetka u qaabilsan dhulalka iyo xallinta muranada la xiriira.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *