Madaxweynaha oo maanta furaya bandhigga beeraha ee Nairobi

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu maanta furo bandhigga ururka beeraleyda dalka ee (ASK) oo ka dhacaya caasimadda dalka.
Ciidamada booliska ayaa sheegaya in saraakiil dheeraad ah la geeyay wadada Ngong si ay amniga u sugaan.
Sido kale waxaa halkaasi ku sugan ciidamo dheeraad oo ku waddooyinka ah si u baabuurta u kala hagaan oo ay u fududeyaan ciriirka ka dhasha isku socodka gawaarida.
Bandhiggan ayaa soconaya ilaa iyo maalinka axadda ah waxanaa wadayaasha baabuurta loogu baaqay inay ilaaliyaan shuruucda u degsan isticmaalka waddooyinka.
Dhanka kale barasaabka Nairobi, Mr. Mike Sonko ayaa sheegay inay baaritaano ku sameynayaan dhamaan goobaha lagu iibiyo cunooyinka kala duwan.
Sido kale waxaa kormeer lagu sameynayaan cunadda laga keeno magaalooyinka kale ama dalka dibadiisa si loo xaqiijiyo badqabka macaamiisha.
Mike Sonko ayaa intaasi ku daray in la soo saarayo sido kalena la tijaabin hannaanka macluumaadka la xiriira suuqyada lagu iibiyo noocyada kala duwan ee cunnada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *