Maxkamada sare oo laashay dacwad looga soo horjeeday amarka lagu mamnuucay xaalufinta dhirta

Maxkamada sare ee dalka laanteeda ismaamulka Nyeri ayaa shalay daaqadda ka tuurtay dacwad loo soo gudbiyay oo ka dhan ahayd amarka ay dowladu ku mamnuucday xaalufinta dhirta.
Waxaa kiiskaasi maxkamada geeyay shirkadaha ka shaqeeya soo saaridda ama sameynta alwaaxyada.
Garsoore Jairus Ngaah ayaa go’aamiyay in murankaasi ay ku habboonayd in la geeyo maxkamada qaabilsan arrimaha degaanka iyo dhulalka.
Ganacsatadaasi ayaa doonayay in tallaabo laga qaado wasaaradda degaanka, waaxda adeega keymaha ee KFS iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalka.
Waxay dadaal ugu jiraan in maxkamadu ay dowlada ku khasabto inay amarkaasi xayiraadda ah meesha ka saarto in kastoo weli aysan ololahooda ku guuleysan.
27-kii bishii labaad ee sannadkan ayay ahayd markii dowlada ay mamnuucday in geedaha la jaro si looga soo saaro alwaaxyaha laga sameeyo kuraasta , miisaska ama sariiraha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *