320 qof oo ku dhaawacmay shil tareen oo ka dhacay koonfur Afrika

Ilaa iyo 320 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen wadanka koonfur Afrika kadib markii ay isku dhaceen laba tareen.
32 qof oo rakaab ah ayay soo gaareen dhaawacyo culus waxaana hadda lala tacaalaya xaaladooda caafimaad.
Tareenka midka kale ku dhacay oo ka soo ambabaxay magaalada Johannesburg kuna wajahnaa Pretoria ayaa waxaa saarnaa rakaab xad dhaaf ah.
Bishii Jannaayo ee sannadkana ayay 200 oo qof ku dhaawacmeen shil noocan oo kale ah oo laga soo tabiyay koonfur Afrika.
Koonfur Afrika ayaa leh marinada tareenka ee ugu casrisan qaaradda Afrika hasa ahaate waxaa caqabad ku ah maarentooda oo aanan wanaagsanayn.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *