Baaqyada dhanka tacliinta ee loo jeedinaya waalidiinta soomaaliyeed oo isa soo taraya

Waxaa isa soo taraya baaqyada ku aaddan waxbarashada ee macalimiinta ay u jeedinayaan waalidiinta soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool gobolka waqooyi bari.
Iyadoo guud ahaan caalamka maanta laga xusayo maalinka macalinka adduunka ayaa waxaa soo baxaya eedeyn loo jeedinayo waalidiinta oo ah inaysan xoogga saarin wadashaqeynta kala dhexeysa barayaasha si loo wanaajiyo waxbarashada canuga.
Sido kale dhibaatooyinka dhanka tacliinta ee haysta ismaamulada gobolka waqooyi bari waxaa ka mid ah tirada macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada ku yaalla oo aanan ku filnayn.
Ardayda degaanadaasi ka soo jeeda ayaa marka ay dhameyaan dugsiyada sare ku biira machadyada iyo jaamacadaha.
Hasa ahaate waxaan weli si buuxda loogu guuleysan in ardaydaasi badankoodu laga dhadhiciyo inay bartaan culuunta macalinimada si looga gudbo caqabadaha jira.
Dhanka kale sannadihii ugu dambeeyay waxaa jiray in macalimiinta qaar ay ku biireen maamul goboleedyada dhismay iyagoo qabtay xilal kale.
Sido kale barayaasha qaar ayaa iyagoo u aaneynaya mushaar yari iyo duruufo kale oo dhanka shaqada ah raadsaday shaqoooyin kale sida hay’adaha.
Cabdiraxman… waa maamulaha dugsiga Shanta Abaq ee ismaamulka Garissa wuxuuna arrimahan iyo kuwo kale uga waramay Faysal Bishaar oo ka mid ah ardayda qaadanaya tababarada saxaafadeed

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *