DHAGEYSO Raila Odinga oo sheegay inay khasab tahay in la qabto afti dastuurka lagu bedelo

Hoggaamiyaha urur weynaha mucaaradka Nasa Raila Odinga ayaa sheegay inay khasab tahay in isbedel lagu sameeyo dastuurka wadanka u degsan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inaan la hor istaagi karin ololaha uu bilaabay madaxa xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot ee uu ku doonayo in meesha laga saaro qeybo ka mid ah dastuurka dalka.

Dr .Ekuru Aukot ayaa ku doodaya in dowlada Kenya ay lacago badan uga baxaan mushaaraadka la siiyo hoggaamiyaasha siyaasadeed oo uu aaminsanyahay inay tiradoodu badantahay.
Waxyaabaha uu u ololeynaya waxaa ka mid ah in tirada xildhibaanada baarlamaanka iyo xubnaha aqalka sare oo hadda ah 416 laga dhigo 194.
Sido kale waxaa uu soo jeediyay in meesha laga saaro xilalka uu mar hore soo magacaabay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ee ah xoghayayaasha wasaaradaha kala duwan u qaabilsan dhanka maamulka.
Sido kale siyaasigan ayaa soo jeedinaya in waxba kama jiraan laga soo qaado iskuduwayaasha ismaamulada iyo gobolada oo uu sheegayo in hadii la sameeyo Kenya ay baaqi u noqon doonto 31.8 bilyan oo shilin.
Raila Odinga oo shalay ku sugnaa ismaamulka Migori ayaa ku nuuxnuuxsaday in siyaasyiinta uu ka midka yahay madaxweyne ku xigeenka dalka Mr. Willaim Ruto ee ka soo horjeestay in afti la qabto aysan wax ka bedeli karin rabitaanka dadweynaha
Raila Odinga ayaa carrabka ku dhuftay in wadamo badan oo caalamka ku yaala ay dastuurkooda dib u eegis ku sameyaan ugu yaraan 8 sano kadib.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *