Hay’adda laanqeerta cas oo guriyo u dhisi doonto qoysaska ay fatahaadaha saameyeen

Hay’adda laanqeerta cas laanteeda Kenya ayaa lagu wadaa inay guriyo ay u dhisto in ka badan 6,600 oo ah qoysas ku nool 28 ka mid ah 47-da maamul goboleed ee dalka.
Dadkan ayaa waxaa si gaar ah u saameeyay fatahaado degaanadooda ku dhuftay bishii afaraad ee sannadkan.
Dowlada dhexe ayaa bixisay hal bilyan oo shilin si hay’addu ay ugu adeegsato dhisidda guriyahaasi.
Xoghayaha guud ee hay’adda laanqeerta cas Kenya Cabbaas Guuleed ayaa sheegay in mashruucan ay ka fulinayaan goobaha uu joogoodu sareeya si dhibanayaasha ay mustaqbalka uga badbaadaan fatahaadaha .
Barnaamijkan waxaa ka faaiideysanaya ilaa iyo 40,000 oo qof oo sannadkan gudihiisa hantidooda ku waayay daadadka.
Xoghayaha ayaa hoosta ka xariiqay in 38 maamul goboleed ay saameyn ku yeesheen daadadka hasa ahaate la soo xushay 28 ka mid ah oo ay dhibaatooyin xooggan soo gaareen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *