Madaxweynaha dalka oo sheegay in horumar laga gaaray sayniska iyo teknoolojiyadda

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay arrin lagu faano tahay horumarka wadanka uu ku tallaabsaday ee dhanka sayniska iyo teknoolojiyadda ah.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in boqolkiba 25 ee hal abuurka la xiriira dijitaalka uu yahay mid laga sameeyay gudaha dalka marka la barbardhigo wadamada kale ee qaaradda Afrika.
Hadalkan ayuu jeeediyay xili magaaladatani Nairobi uu ku daahfuray bandhigga uu soo qabanqaabiyay ururka beeraleyda dalka ee ASK.
Shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ayuu ku booriyay inay sara u qaadaan tageerada ay u fidiyaan dadweynaha iyo dowlada ee dhanka teknoolojiyadda ah.
Mr. Kenyatta ayaa tusaale u soo qaatay in beeraleyda lagu diiwangelinayo qaab casri ah.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka Mr. William Ruto ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin caqabad ku ah dagaalka ay dowlada kula jirto musuqmaasuqa.
Mr. Ruto ayaa intaasi ku daray in loo baahanyahay in guddiyada madax bannaan fursad loo siiyo inay shaqaooyinkooda ama waajibaadka saaran ka soo baxaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *