Madaxweynihii hore ee kuuriyada koonfureed oo 15 sano la xiray

Maxkamad ku taalo magaalada Seoul ayaa xabsi 15 sano ah ku xukuntay Lee Myung-bak oo horay madaxweyne uga soo noqday dalka kuuriyada koonfureed .
Mas’uulkan hore oo lagu soo oogay dacwado ku saabsan musuqmaasuqa ayaa sido kale lagu ganaaxay 11.5 milyan oo doolar.
Xukunkan ay maanta maxkamada soo saartay ayaa noqonaya midkii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah ganacsato iyo madax siyaasadeed.
Maxkamada Seoul ayaa sheegtay in Mr. Lee oo 76 sano jir ah uu yahay mulkiilaha shirkadda DAS oo lagu hayo baaritaano la xiriira musuqmaasuqa.
Lee ayaa kuuriyada koonfureed hoggaaminayay intii u dhexeysay 2008-dii ilaa iyo 2013-kii waxaana la xiray bishii saddexaad ee sannadkan.
Eedeymaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ah laaluush qaadasho , ku takriifal awoodeed iyo lunsashada kheyraadka dalkaasi.
Hasa ahaate waxaa uu iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay sido kalena ku doodayaa inuu yahay dhibanaha aargoosi siyaasadeed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *