Marwada koowaad ee Maraykanka oo dalka safar ku timid

Marwada koowaad ee Maraykanka Melania Trump ayaa lagu wadaa inay maanta kulan la qaadato Mrs. Margaret Kenyatta oo ah marwada koowaad ee dalka.
Diyaaradii sidday xaaska hoggaamiyaha xukuumada Washington Donald Trump ayaa 9-kii fiidnimo ee xalay ka soo caga dhigatay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA , magaaladatani Nairobi.
Waxaa si diirran u soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay safiirka Maraykanka ee Kenya Robert Godec.
Melania ayaa safar ku soo martay wadamada Malawi iyo Ghana waxaana la filaya inay Masar u sii gudubto.
Horraantii bishan ayay ahayd markay sheegtay inay u riyaaqday waxqabadka hay’adda horumarka ee maraykanka ee USAID.
Waxay xiligaasi ballanqaaday inay afar ka mid ah wadamada Afrika socdaal ku mari doonto si ay sara ugu sii qaado olalaha ay waddo ee la xiriira horumarinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.
Bishii sideedaad ee sannadkan ayay ahayd markii aqalka cad ee Maraykanka ay kulan ku yeesheen Mrs. Melania iyo Mrs. Margaret.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *