Pakistan oo soo saartay amar ka dhan ah hay’adaha caalamiga ah

Dowladda Pakistan ayaa ku dhawaaqday amar ka dhan ah hay’adda caalamiga ee aanan dowliga ahayn ee ka howlgalo gudaha wadankaasi.
Waxay ku amartay in ay joojiyaan shaqooyinkii ay ka hayeen dalkaasi.
Hay’adahan ayaa sido kale loo qabtay muddo 6 maalmood ah oo ay uga baxayaan gudaha Pakistan.
Mid ka mid ah hay’adahaasi, oo lagu magacaabo ActionAid ayaa sheegtay in tallaabadani ay qeyb ka ahayd weerarada sii badanaya ee lagu bartilmaameedsanyo qeybaha kala duwan ay bulshada.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan ayaanan ka hadlin kiisakaan halka siideed iyo toban hay’adood waddanka laga saaray.
Tallabadaan ayaa imanaysa iyadoo ay sii kordheeyso walaaca ay hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda iyo dadka u ololeeya xornimada warbaahinta ka muujinayaan xorriyatul qowlka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *