3 qof oo Falastiin ah oo shalay ku dhintay dibadbaxyadii ka dhacay Qaza

3 qof oo u dhashay wadanka Falastiin ayaa geeriyooday ka dib markii ay rasaas ku fureen milatariga dalka Israel.
Dadkan dhintay iyo kumanaan qof oo kale waxaa ay shalay dibadbaxyo ka dhigeen magaalada Qaza oo u dhaxeeya xadka ay wadaagaan Falastiin iyo Israel.
Canug yar ayaa ka mid ahaa dadkii geeriyooday .
Wasaarada caafimaadka ee magaalada Gaza ayaa shaacisay in Faris al-Sirsawi, 12, jir ahaa iyo Mahmoud Akram Abu Samaan, 24, jir ahaa ay ku geeriyoodeen bariga magaalada Gaza.
Sido kale Dibadbixii shalay dhacay kadib salaada Jimce ayaa waxaa ku dhaawacmay 376 ruux sida uu sheegay afhayeenka wasaarada caafimaadka Ashra al-Qidra.
Dadka ku dhaawacmay dibad baxa ayaa waxaa ka mid ahaa wariye si weyn looga garanayo magaalada Gaza.
Jimco walba waxaa shacabka reer Falastiyiin ay sameeyeen dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan lahaanshaha dhulka Israel.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *