9 qof oo ku dhaawacmay shil ka dhacay Rongo

Sagaal qof ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay Rongo ee ismaamulka Migori shilkaas ayaana sababay ka dib markii ay isku dhaceen gaari mataatu ah iyo gaari kale oo nooca xamuulka ah.
Shilkan ayaa si gaar ahaan uga dhacay inta u dhaxaysa Rongo iyo Awendo oo ku kala yaala ismaamulada Migori iyo Kisii.
Taliyaha ciidamada booliska Rongo Peter Kirui ayaa sheegay in gaarikii dadweynaha ee shilkaasi galay uu u socday deegaanka Rongo.
Hal qof ayaa la sheegay inuu soo gaaray dhaawac daran waxaana la geeyay isbitaalka Kisii
Qaar ka mid ah dadkii kale ee ku dhaawacmay shilka ayaa loo qaaday isbitaalka Rongo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *