Hay’adda dusha kala socotaa hawlaha booliska IPOA oo baaritaano ku haya dilal ay gaysteen ciidamada booliska

Hay’adda dusha kala socotaa ciidamada booliska ee dalka IPOA ayaa baarayaa dilal ay gaysteen ciidamada booliska ee dalka iyagoona la sheegay in ay gaysteen 243 dilal ah.
IPOA ayaa sheegtay in siddax ka tirsan ciidamada booliska ee dalka loo hayo dacwadahaasi dilalka ah .
Warbixinta ka soo baxday gudiga kormeerka ku sameeya hawlaha qaran ee booliska ayaa ka shanqariyay in 86 dacwadooda oo la xariirta dhaawacyo ay gaysteen ciidamada booliska la baarayo.
Sido kale IPOA ayaa loo gudbiyay 10,381 oo cabasho ah taasi oo la xariirta dilalka ay mararka qaar ku kacaan Booliska.
Sanadihii la soo dhaafay ciidamada booliska dalka ayaa lagu sheegay in ay gudaha dalka ka gaysteen dilal dhowr ah oo ay u gaysteen shacab Kenyaan ah.
Ciidamada booliska ayaa sido kale lagu eedeeyay laaluush qaadasho iyo in ay geysteen faraxumayn ,dilal, iyo xabsi sharci daro ah.
Arrintani waxaa si weyn u cambaareeyay hay’adda xuquuda aadanaha ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *