Maanta oo cod loo qaadi doono garsoore uu soo magacaabay madaxweynaha maraykanka

Waxaa galinka dambe ee maanta go,aan laga gaarayaa garsoore Brett Kavanaugh oo uu madaxaweynaha Maraykanka Donald Trump uu usoo magacaabay inuu ka mid noqdo sagaalka garsoore ee Maxkamadda Sare ee dalkaasi.
Sanatarrada maraykanka oo iyagu ansixiya garsoorayaasha, waxay uga hadleen siyaabo kala duwan, iyadoo xubnaha Jamhuuriyiintu ay sheegeen inaysan ku jirin caddaymo muujinaya dhaqan-xumo uu sameeyey Brett Kavanaugh oo hore haweenayda Christine Balsey Ford ay ku eedaysay inuu xadgudub kula kacay in ka badan 30 sano ka hor.
Xubnaha Dimqoraadiga ayaa iyagu sheegay in warbixintaasi ay tahay mid aan dhammaystirnayn, waxayna sheegeen in FBI-da hawsheeda la xadiday.
Senetarada Maraykanka ayaa galinka dambe ee maanta cod u qaadi doona garsoorahaasi uu soo magacaabay madaxweyne Trump.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *