Madaxweynaha dalka oo siyaasiyiinta ugu baaqay in ay siyaasada dhinac isaga dhigaan tan ila iyo doorashada xigta

Madaxwaynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha dalka in ay hadda dhinaca isaga dhigaan siyaasada oo ay diirada saaraan sidii ay Kenyaanka u heli lahayeen adeegyada aasaasiga ah.
Madaxweyne Kenyaatta ayaa siyaasiyiinta ku wargaliyay in ay siyaasadda sugaan ila iyo doorashada xigta ee dalka ka dhici doonto sanadka 2022-ka
Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa u sheegay siyaasiyiinta in ay wax u qabtaan dadka shacabka ah ee soo doortay.
Mr Kenyaatta ayaa carabka ku dhuftay in ay siyaasiyiinta is qadariyaan oo aysan isku xadgudbin.
Hdalkan ayuu ka jeediyay Mr Kenyaatta suuqa lagu magacaabo Uhuru ee magaaladatan Nairobi waxaa uu halkaasi kaga qeyb galay olole nadiifin ah waxaana ku wahelinayay gudoomiyaha Nairobi Mike Sonko iyo sido kale mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa gudaha dalka laga dareemayay olole siyaasadeed oo xoogan kuwaas oo isku hayay siyaasiyiin ka kala tirsan xisbiyada ka dhisan dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *