Marwada koowaad ee dalka Maraykanka oo ka duushay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta iyadoona booqashadeedi u dambeysay ku tagaysa Masar

Marwada Koowaad ee dalka Maraykanka Melania Trump oo booqasho laba maalmood ah ku joogtay dalka ayaa saaka booqashdeedii ay ku soo gaartay wadamo ka mid ah qaarada Africa ku soo gabagabaynaysaa wadanka Masar iyadoona saaka ka duushay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyaatta.
Marwada koowaad ee dalka Mrs Magret Kenyaatta ayaa garoonka Kenyaatta ku sagootisay Melania Trump .
Marwada koowaad ee dalkani Kenya iyo mida Maraykanka ayaa kulamo wada qaatay shalay waxaa ayna ka wada hadleen arrimaha caafimaadka hooyooyiinka iyo dhalaanka.
Mrs Melania ayaa marwada koowaad ee dalka ku amaantay barnaamijka ay wado kaasi oo lagu magacaabo Beyond Zero laguna hormarinayo caafimaadka hooyada.
Xaaska madaxweynaha wadanka Maraykanka Donald Trump ayaa booqasho ku so martay wadamada Ghana,Mali,kenya iyadoona booqashadeeda ku soo gabagabeynaysaa wadanka Masar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *