Raila Odinga oo cambaareeyay dilalka loo gaysto haweenka

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa si weyn u cambaareeyay dilalka loo gaysta gabdhaha da’da yar isagoona si gaar ah u cambaareeyay dilalkii loo gaystay Sharon Otieno oo ahyd gabar dhiganaysay jaamacad iyo gabar lagu magacaabo Monica Kimani oo iyaduna la dilay.
Mr Odinga ayaa ku baaqay in la soo xiro dadkii ka dambeeyay dilalka haweenkaasi.
Sharo Otieno ayaa waxaa meydkeeda laga helay Keynta Kodera ee ismaamulka Homa Bay halka gabadha kale ee Monica Kimani meydkeeda laga healy gurikeeda oo ku yaala Kilimani ee magaaladatan Nairobi.
Dilalka gabdhahaasi ayaa waxaa u xiran siddax qof oo uu ka mid yahay gudoomiyaha ismaamulka Migori oo lagu eedeynayo dilka Sharon Otieno oo 26 sano jir ahayd taasi oo dhiganaysay jaamacada Rongo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *