Sarkaalka ugu sareeyay laanta booliska aduunka shiinaha oo wali la la’yahay

Waxaa wali la wadaa baaritaan ku aadan madaxa laanta booliska aduunka ee loo yaqaan Interpol Meng Hongwei oo u dhashay wadanka shiinaha kaasi oo la soo tabiyay in la la yahay tan iyo todobaadkii la soo dhaafay.
Meng ayaa markii ugu danbeysay lagu arkay dabayaaqadii bishii September,isaga oo ka tagaya xarunta dhexe booliska aduunka oo ku taal magaalada Lyon ee dhacda koonfur galbeed wadanka shiinaha.
Ciidamada Booliska Faransiiska ayaa furay baaritaan ku dhan ah maqnaashaha ninkaasi.
Madaxa laanta booliska aduunka ayaa la sheegay in uusan ku dhex maqneyn dalkooda iyadoo yurub ay xaqiijisay in sargaalkaan u dhashay shiinaha uu ka tagay faransiiska 29-kii September.
Meng Hongwei ayaa inta aan loo dooran xilkaan bishii November sanadkii 2016, waxaa uu ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada amniga gudaha shiinaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *