Wasiirada arrimaha dibada dalka oo shir kaga qeyb galaysaa dalka Japan

Wasiirada wasaarada arrimaha dibada ee dalka Monica Juma ayaa booqasho ku tagtay wadanka Japan si ay uga qeyb gasho shirka TICAD oo diirada lagu saarayo hormarka qaarada Africa.
Kulankan ayaa waxaa isku soo dubariday hay’adda Qaramada Midoobay ,bankiga aduunka iyo midowka Africa.
Kulankaasi ayaa waxaa ka qeyb galayaa hogaamiyaal ka kala socdaa 54 dal oo Africaan ah.
Monica Juma wasiirada wasaarada arrimaha dibada ee dalka ayaa inta ay ku sugantahay wadanka Japan waxa ay kulamo la qaadan doonta Ku xigeenka Xoghayaha Golaha Shacabka,wadankaasi , madaxweynaha Jaamacadda Iskaashiga dalka Japan iyo msa’uuliyiin kale.
Xukumadda Kenya ayaa hadda raadinaysaa taageerada iyo ka-qaybgalka Shirka Fikradaha Dhaqaale ee Dheeriga ah kaasi oo la qaban doono bisha November 26 iyo 28 ee sanadkan 2018-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *