Ammaanka Migori oo si weyn loo adkeeyay

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka dowlad goboleedka Migori oo lagu wado inay berri ka dhaco doorashada ku celiska ah ah ee xilka senetarnimo.
Waxay dadweynaha codkooda ku dhiibanayaan ilaa iyo 826 xarumood oo mid waliba ay ilaalinayaan ugu yaraan 2 sarkaal oo boolis ah.
Taliyaha booliska ee ismaamulkaasi Mr.Joseph Nthenge ayaa sheegay in si weyn loo sugi doono amniga si doorashada ay ugu qabsoonto jawi deggan.
Xilka senetarnimo ee Migori ayaa bannaanaaday kadib markii Mr Ben Oluoch Okello uu u dhintay xanuun nooca kansarka ee saameeya dhuunta
Cabdi Yaquub Guuliye oo ka mid ah sarakiisha sarsare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa sheegay in ismaamulkaasi ay iska diiwangeliyeen 388,000 oo codbixiyayaal ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *