Baarlamaanka Iiraan oo ansaxiyay sharci ka dhan ah argagixisada

Baarlamaanka dalka iiraan ayaa maanta oo axad ah meel mariyay hindise sharciyeed wadankaasi u ogolaanayo inuu qeyb ka noqdo heshiiska qaramada midoobay ee ka dhanka ah maalgelinta argagixisada.
Waxaa ansaxinta sharcigan u codeeyay 143 xildhibaano ah halka 120 kalena ay ka soo horjeesteen iyadoo 5 mudanayaal ah ay ka aamustay.
Hindisa sharciyeedkan ayaa hadda kadib lagu wareejinaya golaha ugu sarreeya ee mas’uulka ka ah ilaalinta dastuurka iiraan si uu u ansaxiyo ama dhinac isaga dhigo.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan Maxamad Jawad Zarif ayaa codeynta ka hor qeexay muhimadda ay leedahay ku biiridda heshiiskaasi.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Maraykanka uu qorsheynayo inuu cunaqabateyn hor leh ku soo rogo xukuumada Tehran hadii sharcigaasi uusan meel marin.
Mudanayaasha diiday inay codkooda ku tageraan ayaa isugu tagay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka waxayna mooshinkaasi ku tilmaameen mid lagu caayay shacabka Iiraan.
Siyaasiyiintan ayaa ku dooday in ansaxinta sharcigaasi ay cadowga iiraan u fududeyn doonto inuu helo xogta maaliyadeed ee xasaasiga ah.
Heshiiska ayaa loogu magacdaray qaraarka caalamiga ah ee lagu xakameynayo maalgelinta argagixisada wuxuuna dhigaya inay fal dembiyeed tahay in argagixisada dhaqaale loogu deeqo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *