DHAGEYSO Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka waqooyi bari oo ka hadlay bedelidda dastuurka

Waxaa weli isa soo taraya hadal haynta siyaasadeed oo ku aaddan ololaha madaxa xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot uu ugu jiro in wax laga bedelo dastuurka dalka u degsan.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeedo gobolka waqooyi bari sida barasaabka Garissa Cali Bunow Qorane iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay tageerayaan dadaalka ku aaddan in wax laga bedelo dastuurka hadii ay tallaabadaasi dani ugu jirto kenyaanka gaar ahaan reer guuraagga oo dhanka horumarka kaga dambeeyay degaanada kale.

Xildhibaanka laga soo doortay degaanka koonfurta Wajeer Dr. Maxamuud Sheekh Maxamad omaar ayaa dhankiisa sheegay inaan la joogin xiligii lagu mashquul lahaa arrinkaasi iyo siyaasadda guud maadaama codbixiyayaasha kenyaanka ah ay doorasho ka qeyb qaateen sannadkii hore rabitaankoodana muujiyeen

Mudanaha degaanka Dhahdhaab ee ismaamulka Garissa Dr. Maxamad Dahiye Ducaale ayaa isna carrabka ku dhuftay inaysan diyaar u ahayn afti lagu doonayo in lagu yareeyo tirada degaanada ismaamulada ama mas’uuliyiinta

Madaxdan ayaa hadaladan ka jeediyay magaalada Madogashe ee Lagdheera oo ay uga qeyb galeen xaflad soodhaweyn ah oo loo sameeyay safiirka cusub ee Kenya ku matali doono Botswana Maxamad Mukhtar Shiidiye.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *