Doorashada madaxtinimo ee Cameroon oo maanta dhaceysa

Waxaa wadanka Cameroon ka socoto doorashada madaxtinimo ee ay shacabka doonayaan inay ku soo doortaan hoggaamiye cusub.
Madaxweynaha hadda talada haya Paul Biya ayaa doonaya in markii 7-aad uu hoggaanka qabto.
Goobaha codbixinta ee Cameroon ayaa furmay 8-dii subaxnimo ee saaka waxana lagu wadaa inay soo xirmaan 6-da maqribnimo.
In ka badan 6 milyan oo qof ayaa isku diiwangeliyay ka qeyb qaadashada codeynta.
Gudaha Cameroon waxaa ku barakacay 230,000 oo qof iyadoo ciidamada ammaanka ay la dagaalamayaan kooxda Boko Xaraam oo ku xooggan wadanka dariska la ah ee Nigeria.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *