Doorasho kursi Xildhibaan oo maanta ka dhacaysa magaalada Garowe.

Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka goboleedka Puntland ayaa maanta lagu waddaa inay ka dhacdo doorashadda kursi ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya,kaasoo dhawaan uu iska casilay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiggaan ayaa waxaa baneeyay Dahar Cali Faarax ka dib markii loo Magacaabay Qunsulka Safaaradda dowlada Soomaaliya ku leedahay dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ee qaabilsan maaraynta doorashadda kursiggaan ayaa maalmo ka hor waxay gaaray magaalada Garowe ee Xarunta gobolka Nugaal, waxayna sidoo kale xaliyeen Cabasho ka taagneyd doorashadda kursiggaasi banaan.

Musharaxiinta u taagan buuxinta kursigga ka banaan golaha shacabiga Soomaaliya ayaa  waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo hormarinta dhaqaalaah dowladda Fedraalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *