Garsoore loo soo magacaabay maxkamada ugu sarreeysa ee Maraykanka oo la dhaariyay

Waxaa ugu dambeyn qabashada xilkiisa loo dhaariyay  Brett Kavanaugh oo uu madaxaweynaha Maraykanka Donald Trump uu usoo magacaabay inuu ka mid noqdo sagaalka garsoore ee Maxkamadda  ugu sarreeysa wadankaasi.

Arrintan ayaa timid kadib markii  Senetarada Maraykanka ay u codeyeen  garsoorahan   .

Brett Kavanaugh ayaa noqonaya   xaakinkii  114-aad ee loo dhaariyo inkuu  ka mid noqdo  howlwadeenada maxkamada ugu sarreeysa xukuumada Washington.

Mas’uulkan ayaa loo soo jeediyay eedeymo dhowr ah oo la xiriira galmada  hasa ahaate muran arrinkaasi ka dhashay ayaa hadda u muuqdo in la soo afjaray.

Senetaro  garaaya  50 ayaa  u codeeyay in  garsoorahan   uu xilkaasi qabto hasa ahaate waxaa ka soo horjeestay 48 kale.

 

 

 

 

 

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *