Hoggaamiyaha mucaaradka Nasa oo sheegay inaan kenyaanka lagu khasbeynin afti qaran

Madaxa urur weynaha mucaaradka  NASA ,Raila Odinga  ayaa sheegay in  aftida uu doonayo in loo qaado dastuurka dalka aysan ahayn mid  lagu khasbayo shacabka.

Waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay  hadalo uu  sheegay inay jeediyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka .

Mr. Odinga ayaa carrabka  ku adkeeyay inaan la qaban karin afti wax looga bedelayo dastuurka wadanka u degsan hadii  dadweynaha  aysan diyaar u ahayn.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa   intaasi ku daray in guddiga ka kooban  14-ka xubnood ee loo xilsaaray ka dhabeynta  waxyaabihii ay ku heshiiyeen isaga iyo Mr. Kenyatta  uu dhawaan tagi doono  degaanada kala duwan ee dalka.

Sido kale xubnaha guddigan ayuu sheegay  inay soo arruurin doonaan  afkaarta dadweynaha ee  ku aaddan  dhibaatooyinka uu dalku wajahayo.

Mr. Odinga ayaa cid waliba oo ka soo horjeeda  bedelidda dastuurka u sheegay in hadii ay tahay rabitaanka shacabka aysan jirin cid hor istaagi karto.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo horay  ololahaasi diidanaa ayaa  hadda mowqifkiisa bedelay .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *